qodaalnews.com
AF-GOBAADSIGA GOBALNIMADA GABILEY EE MAANTA C/RAXMAAN CIRRO KA YEELI-MAYNO , WAAYO SHALEY ISAGOO SHOOKAANTA HAYA AYUU GABEY. QALINKA C.S.F.(JEESTO).
September 27, 2017 - Written by Admin

AF-GOBAADSIGA GOBALNIMADA GABILEY EE MAANTA C/RAXMAAN CIRRO KA YEELI-MAYNO , WAAYO SHALEY ISAGOO SHOOKAANTA HAYA AYUU GABEY. QALINKA C.S.F.(JEESTO).

Musharaxa xisbiga wadani ee madaxweynenimada mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) , waxa uu ahaa Shir-gudoonkii ugu mudada dheeraa jamhuuriyada Somaliland isla markaana hagayey Golaha Sharci-dajinta dalka qiyaas ilaa Laba iyo toban sanno , hadaba mudada cadedkaasi leh ee uu mudane C/raxamaan Cirro Barlamaanka iska daa hadal-qaade xataa kamuu fikirin Gobalnimada Gabiley Issuegeeda.

Mudadaasi uu ku sugnaa waxa u tagey codsiyo ama dhambaalo lagu dalbanayo in la Ansixiyo gobalnimada gabiley lana agaasimo mooshinkeeda , Xiliyadani waa intii aanu furan xisbiga wadani ee uu ahaa kaliyaata gudoonka Aqalka Sharci-dajinta Somaliland balse dhagey-jalaq umuu odhan isagoo ka muquuranayey meelo yar-yaroo gabiley magacaabideeda lagu lamaaneeyey oon yagu wali shuruudaha base-ka ah buuxin.

Arintan soo hadal-qaadkeeda waxa uu bilaabey Cirro wakhtiyada uu xisbiga wadani ku guulaystey soo bixistiisa iyo musharaxnimadiisa isagoo u fahmey haduu reer gabiley gaobalnimadoo ku weyn uga sheekeeyo targetna ka dhigto inuu hanan doono codka gabiley, Arinkaase laakiin muu hir-galin reer gabileyna aayer kamey hadhin ilaa heer xukuumadeed ilaa madaxweyne wey ka dalbadeed ugu danbayntiina golahaa loo gudbiyey ilaa maanta wax fal-celina ama jawaaba lagama hayo , hadaba waxa weeeyi nuxurku Cirrooy jawaabtii meeday.

Ta labaad mudane cirrooy haday daacad kaa tahay in la ansixiyo gobalnimada gabiley maxaad aduu intaad meesha joogtey u ansixin weyday ama loo arki waayey adoo maalin kaliya uun sida mooshinkeeda, xataa waxaad ka muquuratey xiliyadan ugu danbeeyey ee aad hanka siyaasiga ah laheyd maad garan qodobkaa kaga faa,iideyso gabiley, iska ansixinteedee waxa dhawr sano ku hor-yaaley oo ku duugoobey xeerkii caasimada jamhuuriyada Somaliland oo isna juuqla , Jaaqla.ku sugan waxana ugu wacan eed cadaalada uga dhaceysaa waa hankaaga .

Markaa maanta waxaad masuul qaran iyo mudan weyn laakiin kaa yeeli mayno (Abaalkii shaley aad gabtey adoo noo qaban karaya inaad maanta nagu hasaawiso waan idiin garab-galayaa ama cid kalaan ku dhaliilayaa, ku cambaareynayaa, ku dhaleecaynayaa, waayo adaaba dhaleecaysan maadaama aad wado xoqantey dib u soo faqeyso waliba aad danbigeeda aad aduu laheyd), midina waa gaaroo kumaad xisaabtamin erayo fara-badan oo aad reer gabiley ugu balan-qaadey adoo xilelka isu haya labadaba, maad qiimeyn xataa codsigaa aad ugu jawaabtey waan keenaynaa balse xukuumadu ha soo gudbiso, waana laydiin keenay adaase hoosta yara dhigey.

Guntiyo gaba-gabada waxaan ku soo koobayaa musharax maanta reer gabiley dhamaantood wey ka siman yihiin ansixin gobalnimana cid kuma xidhayaan waxay ku badasheen Madaxweynenimo, Sidaa darteed maanta hawsha u taal ayaa cusul waa ku aroort raadinta cod iyo abaalo ay walaalahood u soo galeen, markaa adiga talo ahaan waxba wakhti badan haku lumin gobalnimada gabiley, yada laf-tarkeeda haysu hawlin oo amintu yey kaa dhicin.

Waayo maanta cidna kama yeelayno gobalnimo iyo sheeko-sheeko aan soo dhaafney oo kaadhkooda la xoqdey, ta gobalnimaduna kuma xidhna adiga, xukuumada, iyo baarlamanka midna toona ee meel kale ayey murugsan tahay waase la gaadhi markay guusheedu timaado haduu Eebe idmo, adna waa kuwaa inaga erayo riqiisa iyo raandhiiskii aad garan-weyday maalintaad shidnayd eed Shir-gudoonka Golaha Aheyd.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Diplomatic Annalysts
Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews