qodaalnews.com
(Ayax Tag Aleese Reeb) Abiib Diiriye Salaanka Ka DHac Laakiinse Dadkiisiibaa Dawlada U SHaqeeya Maxaa Uga Meel Yaala Xukuumada?? Qalinka: C.S.F (Jeesto)
July 22, 2017 - Written by Admin

(Ayax  Tag  Aleese  Reeb)  Abiib  Diiriye  Salaanka  Ka  DHac  Laakiinse  Dadkiisiibaa  Dawlada  U  SHaqeeya  Maxaa  Uga  Meel  Yaala  Xukuumada??  Qalinka:  C.S.F  (Jeesto)

 

 

Mujaahid  abiib  diiriye  nuur  seemaal  waa  mid  ka  mid  ah  siyaasiyiintii  ugu  calan-sidka  badnaa  jilayaasha  saaxada  ee  gobalka  gabiley  isagoo  waliba  ku  caan  ahaa  inuu  miisaan  culsaa  taasina  waxa  kuu  cadeynasa  waxa  uu  la  soo  cabey  Afartii  daruurood  Ee  Soomaaliland  isaga  kala  danbeeyey,  Balse  miskiin  yaa  dalas  maanta  fooq  buu  iska  soo  tuurey  isagoo  sharaf  iyo  karaamo  taama  haysta  waxanu  si  badheedha  uga  dagey  gagida  cadho-ururtey  ama  Xisbiga  Wadani  halkaasoo  uu  ku  baaney  in  cidi  la  socoto  taageero  balaadhana  haysto, inkastoonan  la  qabin  waayo  waxaan  ka  mid  ahey  umadii  oo  labaatanka  sano  hor-joogey  ee  uu  magacooda  matalayey,  Maanta  waa  la  bislaadey  dadkuna  waa  sisoo  gaadhey  ninkaasina  waa  gaba-gabeysmey .

 

 

Balse  waxa  is  weydiin  leh  ninkani  intuu  shaqaynayey  wuxuu  lahaa  gacan-yarayaal  ama  dad  u  adeegsado  oo  kala  shaqeeya  arimaha  gudbinta  xogta,  diyaarinta  kaanbaynada,  abaabulida  wixii  isaga  markaa  siyaasadiisa  raali-galinaya,  hadaba  kuwaasi  badhkood  waa  shaqaale  dawladeed  oo  uu  isagu  gaystey  boosas  muhiima  si  ay  hawlihiisa  ugu  fududeeyaan  ama  uu   gacanta  ku  sii  hayo,  ilaa  yawmu  haadaa  waxa  jira  masuuliyiin  ciida  dhinaca  kale  u  tuuraya  kuwaasoo  shaqadii  dawlada  ay  u  hayeen  kaga  mashquulay  iney  abiib  diiriye  halkiisa  ku  dhisaan  magaalooyinka  hadaba  ay  ku  hadheen  huubihii  abiib  ka  tagey  waxa  ka  mid  ah  Magaalada  Wajaale ,  Habeen  hore  gabiley  waxa  yimidey  bacda  maqribkii  Masuuliyiin  Reer  wajaale  ah  oo  sida  calanka  wadani  kuwaasoo  umada  u  qaybinayey  oo  dumar  hore  kulmiye  u  ahaana  ka  hadashiiyey  si  xaaladi  u  bilaabanto,  Hadaba  waxa  is  weydiintu  tahay  maxay  gruopkan  xukuumadu  ka  yeelaysaa  ama  maxaa  uga  yaala  hadhaaga  huubihii  abiib  ka  hadhey  ????????????

 

 

Shaki  kuma  jiro  odeygii  weynaa  wuu  anba-baxey  balse  guraan-gurka  ka  hadhey  ayaa  umada  fadqaladeynaya  yagoo  shaqaale  dawladeed  ah  oo  umada  xilal  u  haya,  ayey  hadana  wadaan  hawlihii  raali-galinta  ahaa  ee  uu  marka  horeba  uu  Abiib  ku  safey  hadh  iyo  habeena  waxay  ka  shaqeeyaan  ku  mashquuleen  iney  odeygaa  isla  dagey  halkaasi  ku  dhisaan  ku  taageeraan,  Balse  dawladayada  iyo  xukuumada  sharafta  leh  waxaan   ka  codsanaynaa  iney  arinkaa  wax  ka  qabato  nimankaana  la  baadho  oo  into  Serverka  Telesom  la  booqdo  la  soo  saaro  (Mobile  Call  Connections)  ama  xidhiidhadii  ugu  badnaa  cida  ay  la  sameeyeen  markaa  waa  in  masiibadii  dhabar-jabka  ah  ama   munaafaqnimadaa  umada  laga  dhex  qabtaa,  si  aynu  u  gaadhno  meesha  aan  doonayno  musharaxa  xisbiga  kulmiyena  u  noqdo  mujaahid  Muuse  Biixi  Cabdi  Madaxweynaha  Dalka  Somaliland   ee  barakeysan.

 

 

Guniyo   gunaanadkii  waxaan  ku  af-meeri  waa  xaraan  in  xukuumada  loo  shaqeeyo  kurka  lagala  socdaa  yadoo  ciidana  dhinaca  kale  loo  tuurayo  bani-aadamtinimada  kuma  haboona  kuma  hagaagsana  laba  qalbiileyntu  waa  shey  dhimasho  ah  cidii  eersataana  yadaa  isla  dagtey,  markaa  dawladu  waa  iney  yadu  laf-ahaanteedu  waa  iney  kala  garataa  kala  barataa  umadeeda  iyo  umada  shayaadiinta  kuwaasoo  meel  kasta  daadsan,  Abiib  waxa  uu  umada  badey  waxaa  kaga  daran  wuxuu  na  barey  iyo  dad-xumada  uu  beeray,  umad  aan  kalsooni  laheyn  ,  umad  meel  kasta   la  socota,  umad  laba  qalbiilayaal  ah  oo  aan  meelna  ku  hakaneyn,  yagoo  dhinaciisana  taageera  hadana  isaga  dhiga  iney  dawlada  la  socdaan,  kuwaa  horta  umada  ha  laga  qabto  badankoodu  waa  masuuliyiin  kala  jooga  magaalooyinka  Gabiley  Iyo  Wajaale  waa  habeen  socdayaal  qaybiya  inta  uumiyuhu  hordo  Suus  iyo  wacaal  dawladana  xogteeda  iyo  xisbil-xaakimka  waa  nimanka  gudbiya  ee  kala  dilaala  dadka  dira  yagoo  kulmiye  ah  oo  daacad  la  moodo  calamaan  wadani  dadka  u  qaybiya,  Yagoo  luxanaya  dawlada  ninkaasina  dhisaya  ,  waar  hoy  dawladeey  umadaada  garro  oo  inaga  qabta  laba  qalbiilayaasha.

 

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto)

 

Diplomatic  Analysts

 

Gabiley/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews