qodaalnews.com
Cunaqabateynta Hubka Ayaa Dhibaato Nagu Haysa ..” Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Qaramada Midoobey Ka Hor Yidhi
September 23, 2017 - Written by Admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay Golaha  loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay guulo muhiim ah ka gaadhtay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, cunaqabateynta hubka ee saaran dalkase ay xaddidayso in laga guul gaadho ujeeddadaas.

Waxa uu sheegay in argagixisada ay weli tahay mid ka mid ah caqabada cakiran ee haysta dalkiisa, iyadoo cawaaqibka ka dhashayna laga dareemay buu yiri caalamka oo dhan.

  Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada ku aaddan sidii looga hortegi lahaa aafadaas.

Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo “dadaalkasta oo aan ku dhimayno koboca iyo galaangalka ururrada argagixisada caalamiga ah sida ISIS iyo Al-qaacidah kuwaas oo aan ognahay inay saameyn ku leeyihiin argagixisada gudaha.” Ayuu yidhi Khayre.

“Waa in la laba laabaa dadaallada lagu sameynayo faragelinta ka dhanka ah kooxahaasi oo kale.” Ayuu ku sii daray.

Soomaaliya ayuu sheegay inay gaartay guulo wax ku ool ah oo ay ku yaraysay awoodda Al-Shabaab.

Hasayeeshee waxa uu sheegay in cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay si weyn u xaddidayso in guul laga gaaro ujeeddadaas.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay inay sii wadi doonto sidii ay ugala shaqeyn laheyd Golaha Ammaanka iyo dhinacyada kalaba sidii cunaqabateynta hubka dalka looga qaadi lahaa.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews