qodaalnews.com
Ku Soo Dhawow Arabsiyo
March 1, 2017 - Written by Admin

Marka aad jihada bari  magaalada Arabsiyo ka soo gasho waxaad markiiba indhaha ku dhufanaysaa boodh (tabeelle) ay ku qoran tahay “Smile you are in Arabsiyo” 

Aniguna waxaan ku leeyahay, dhoollacaddee, qormo Arabsiyo ka hadlaysa ayaad akhrinaysaaye.

Arabsiyo waa magaalo ku taalla gobolka Gebiley ee dalka Somaliland, una dhexaysa magaalada Hargeysa iyo Gebiley. Waxa ay 30 km ka xigtaa jihada galbeed, magaalada Hargeysa.

Magaalada Arabsiyo waxa ay ka aasaasantay sida odayaasha soo jireenka ahi sheegaan, ceel-biyood dooxa ku yaalla oo ay dadka xoolo dhaqatadu xoolahooda ka waraabin jireen. Dadku laba xilli ayuu u kala socon jirey, mar waxa ay u hayaami jireen xagga xeebta woqooyi. Marka xaysku da’o xeebaha dhulkaas oo barwaaqo ahaa awgeed, ayna ku yaalleen magaaloyin dekado yaryar leh oo laga soo dejiyo daruuriyaadka, waxaana iman jiray safarro badan oo ka iman jirey xagga oogada, kuwaas oo sida malab, subag, saanta adhiga, xoolo nool iyo waliba addoomo loo iib geyn jiray dalalka carabta. Safarradaasina waxay magaalooyinka xeebaha ka soo qaadi jireen badeecado ka kooban bucsharadaha daruuriyaadka ah, sida timirta, dharka, kabaha iyo qaar kaloo badan. Xilliga gu’ga ah ee woqooyigu kulul yahayna, xooladhaqatadu waxa ay u soo guuri jireen xagga oogada, oo markaas biyo iyo baad badanba lahayd. Haddaba Arabsiyo waxay ka mid ahayd deegannada xilliga gu’ga la degi jirey marka laga soo hayaamo xagga xeebta oo ay dadku xiliga qaboobaha degganaan jireen.

Arabsiyo waa degmo ka tirsan gobolka Gebiley. Dadka ku nool magaalada Arabsiyo waxaa lagu qiyaasaa 25,000 (shan iyo labaatan kun) oo qof, iyadoo tirada dadku sii kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa.

Waxbarashada

Waxa ku yaal oo shaqeeya dugsiyada dawladdu maamusho, kuwa hoose, dhexe illaa sare, iyadoo dhawaan laga furay dugsiyo gaar loo leeyahay.

 

 

Biyaha

Dhawaan ayay dawladu biyogelin u samaysay magaalada, iyadoo dadku ay guryahooda ku helaan biyo wanaagsan.

Caafimadka

Waxa ku yaala magaalada MCH yar oo aan ku filnayn baahida caafimaadee magaalada.

Waxa xusuusin mudan inay magaalada Arabsiyo tahay magaalo caan ku ah dariiqada suufiyada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 Arabsiyo waa magaalo beeraley ah, isla markaana ku caan ah beeraha quruxda badan ee loo dalxiiska tago, dadka is aroostaana ay inta badan ku qaataan toddobabaxooda. Magaaladu waxay leedahay beero aad u qurux badan oo ku habboon dalxiiska iyo doox aad u weyn oo gugii marka biyuhu maraan loo laydhsi tago. Dadka ku nool caasimadda Hargeysa ayaa ku soo damaashaada maalmaha ciidaha, munaasibadaha gaarka ah sida aroosyada iyo maalmaha fasaxa ah ee jimcayaasha. Iyadoo dawladdu ay ku casuunto beeraha quruxda badan ee magaalada Arabsiyo, dadka mudan iyo weftiyada inna ga soo booqda dawladaha caalamka.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews