qodaalnews.com
Maxaa Sabobay In Culimadu Cod Dheer Ku Difaacaan Danaha Xawaaladaha Iyo Shirkadaha Ganacsiga ? Kana Gaabsadaan Oo Ka Hadli Waayaan Qiimo Dhaca Shilinka S/land?
March 15, 2017 - Written by Admin

Waxaan Ahey Soomaali Laakiin Dalkaygu Ma,aha (Somalia):- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Jinsigaygu Waa Soomaali ka soo farcamey Samale iyo Qoomiyadaha Afro-kushaytiska Afafka la yidhaahdo ku hadala, Cumuuman iyo caadiyanba waxa jira wax la wada wadaago, wax la kala leeyahay, wax lays kaga mid yahay macano ahaan waxa igu kalifey inaan iftiimiyo qormo jinsiyadeedkan Magacyo gaara oo kala ah (Somalia, Somaliland, Iyo Soomaalinimo), miyeyse jiraan xidhiidh ka dheexeeya magacyadan amaba sidee loo kala leeyahay ma cid gaara ayaa dambaabta mise kumaankun ku abtirsada ayaa wadaaga oo sal-dhigiisu ka dheexeeyaa.

Magacyadani waa magacyo soomaali ah markaa waxa muujinaya oo aad u sheeganeysaa Isirnimada af-soomaaliga bacda arer waxaan uga jeedaa soo qaadashada Ereyadan, Hadaynu Umad Soomaali ah marka aad sheeganeyso Jinsiyadaada waxaad tahay (Soomaali) waxase muhiimadu tahay in aanad ahayn halka magacan lagu sheego Oo ah Soomaliya, Immika muwaadiniinta Reer Somaliland Waa umad Soomaaliyeed jinsiyan laakiin ma,aha dalkoodu (Soomaliya) ee waa Somaliland markaa sidaa ha loo garto oon laysu sawirin kuwani weynu ku kala gadisan nahay.

Shacabkeenu sidaa haw fahmaan mudooyinkan danbe waxaad moodaa in laysu qaldayo teeda kale umado jaar ahi wax ma wada wadaagi karaan, Haa dabcan laakiin taasi waxa inooga dhaw qolyahan Soomaali-weyn een magaca isirkeena uga didayno , waxaynu wadaagnaa Isirka Soomaalinimo, Diinta, DHaqan Iyo waxyaabaha la xidhaadha Asal Raaca Hidaha, ee ma wadaagno wadan waxaana inkala qaybiya xuduudo iyo sohdimo caalamiya oo dunidii inoo dhigtey marag ka tahay.

Sidaa darteed Magaca soomaalinimo cidna uga tagi meyno waa isirkeenii, waa faracankeenii, waa aas-aaskeeni markaa waxa qurux badan in laysku ixtiraamo waayo dunida oo dhan arimahani wey ka jiraan waxaanad arkeysaa wadamo kala duwan oon shaqo isku lahayn balse ay ka dhexeeyaan Isir, Luqad, DHaqan, Iyo Farcan, Tani soomaaliduna kuwaasey la mid tahay waxa qaladka keenayna sheegashada oo dhinac kaliya ujanjeedhsantey, wax macnoo balaadhana saameyn mayso cida dhacaysa magaca haddii loo daayo.

Danbi ma,aha hadii soomaalinimo aad sheegataa kuwani isir ahaan baan u wadaagnaa balse waxyaabaha kale ayeynaan wadaagin sida sohdin, dalka, danta-masiiriga, qaranimada, waxase xusuusin mudan inaan magaca isirkeena iyo farcankeena cid uga didnaa waa liidasho, markaa waan sheeganeynaa kamana gabaneyno, hadiise yagu ay inaga badsadeen ooy yidhaahdeen halku dhigyadan sida Culima,udiinka Soomaaliyeed, DHalinyarada Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed, Cuqaasha Soomaaliyeed, Aqoonyahanka Soomaaliyeed, intaba weynu la wadaagnaa wayna nu nahay sababtoo ah inagu Somaliland ahaan magaca dalkeena sifo kama dhigi karno waayo xaga danbe kalmad ingiriisiya ayaa kaga ladhan taasina waxay dhaawaceysaa Asal Raaca Afkeena Soomaliga.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews