qodaalnews.com
Muddaharaadka London Midha Dhal Ma Noqonnayaa, Mise Waa Marin Leexsan Iyo Muusannow?
March 4, 2017 - Written by Admin

Muddaharaadka London Midha Dhal Ma Noqonnayaa, Mise Waa Marin Leexsan Iyo Muusannow?

Muddaharaadkii maanta London ka qabsoomay, waxa qabtay dad reer Somaliland ah, cid wal oo ka soo qayb gashayna waxa ay ahayd reer Somaliland, wallow ay tiradoodu aad u koobneyd. Waa se dimuqraadiyad iyo mid ay xaq u leeyihiin cid wal oo wax diiddani in ay darreenkeeda cabbirto. Sidaa darteed, darreenkaa muwaadinniinta waa in la ixtiraamo marka hore, oo aan lagu sheegin in ay cid kale ka danbeysay amma se ay yihiin dad aan Somaliland u dhalan. Waxa se iswaydiintu tahay waxa ay ka tari karto saldhigga ciidan ee Berbera; ma tahay arrin si uun saameyn ugu yeelan karta saldhigga? Jawaabtu waa maya, sababbuhuna waa kuwan:-

IMG_8712

Waa ta koowaad e, bannaanbaxyada

adduunka ka dhacaa 99.9% waxba ma soo kordhiyaan haddii aan kacdoon gudaha ahi la socon. Runtuna waa in aannu jirin diidmo darreen la socdo oo gudaha ah. Waana arrin muujinnaysa siyaasiyan in ay raali ka yihiin shacabka jamhuuriyadda Somaliland. Ammuurtaa waxa qiraal u ah in aan diidmo iyo muddaharaad midna ka dhicin Somaliland, marka laga tago diidmo afka ah, oo aan darreen dhab ah ka turjumi karin. Sidoo kale golayaashii qaranka oo isku dhan ay si aqlabiyad weyn ah u meel mariyeen.
Dhanka kale dawladda Imaaraadku sida dawladdi u dhaqanto ayey u dhaqmi doontaa una wajihi doontaa arrinka bannaan baxa, waana in fahamka ah in shacab Yurub joogaa aaney sinaba u jaan-goyn karin siyaasad gudaha ah oo dawladdii shacabku igmadeen ay raali ku tahay, darreen kacdoon shacab ah oo laga la hor yimid na aannu gudaha ka jirin. Muddaharaadku ma dawladda UK ayuu la hadlayey mise dawladda Imaaraadka? UK shuqul kuma leh laba dal wax dhex mara, sidaa darteed way darreensanaayeen muddaharaadayaashu in UK aaney hawl badani kaga xidhneyn. Waana ta keentay in ay muddaharaadka la hor yimaadaan safaaradda UAE ku leedahay London.

Dhanka kale UK iyo UAE waa laba dal oo aad u saaxiib ah, ammuur dhaqaale, amni iyo mid siyaasaddeed oo weyni ka dhexayso. Waxa labada dal dhex mara ku dhawaad $15 billion oo ganacsi ah, hawllaha amniga oo dhan ayey wadaagaan, waa isku siyaasad dhanka fekerka UN, in ka badan 5,000 shariikadaha UK ayaa ka dhex shaqeeya UAE oo faa’ida in ka badan 150 billion sannadkii, waxa isku furan dalxiiska, maalgashi aad u weyn oo ka badan 150 billion ayey UK galisay UAE. Waxa UK degan in ka badan 120,000 oo Imaaraati ah, oo dhammaantood maal-qabeenno waaweyn ah. Dhanka kalena 1.5 million dalxiisayaal ah ayaa sannad walba u safra UAE, halka 950,000 oo shaqaale heerka koowaad ee mushaharka ah oo British ahi ka hawl galaan ganacsi labada dhinac.

Intaa waxa dheer amniga oo sirdoonkii MI6 uu ku sugan yahay UAE, diyaaraddaha iyo hubka ugu badan oo laga iibbiyo iyo waliba shariikadaha tobabarka u qabta iyo ciidanka 65,000 ah ee Imaaraadka amnigiisa suga oo ay leeyihiin shariikado ciidan oo gaar loo leeyahay. Kuwaas oo badi ah kuwa Ingiriis ah. Taas ayaa ka dhigtay in UK iyo UAE heshii weyn oo dhanka dhawrsanaan diblomaasi ‘Diplomatic Immunity” ahi ka dhexayso labada dhinac. Marka dhan kale laga fiirsho cadaaladda gurracan ee dunida ka jirtaa waddan fiqiir ah iyo mid qani ah ma sinto. Somaliland ayaa Imaaraadka ku muddaharaadaysana dhanka siyaasadda waaba filim cusub iyo wax lagu qoslo.

Sidaa marka ay tahay UAE wax ka dhan ah marnaba yeeli maayaan Ingiriisku, saldhiggana inta aan ogahay aad bay u taageersan yihiin. Iswaydiin kale ayaa waxa ay tahay haddaba darreen noocee ah ayuu sameynayey muddaharaadku? Jawaabtu waa haddii gudaha aannu kacdoon noocan oo kale ahi ka socon, golayaashii qarankuna ansixiyeen in heshiis nuxurkiisu qoran yahay la galo waxa kaliya oo uu u muuq ekaanayaa jiritaan ammuuro kale oo mu’aammaraad ah oo cirriqooda si dhib yar loo heli karo. Tusaale ahaan heshiiskan waxa diidday dawladdaha Soomaaliya, Jabuuti, Masar iyo Sucuudiga inkasta oo aaney boqortooyadu si dhab ah uga badheedhin haddana hinnaase weyn ayaa ku jira oo aan ka qarsooneyn cid wal oo faham ka haysta ammuuraha amniga iyo dhaqaalaha.

Yeelkeed e, cid wal oo darreenkaa la qaadata waxa ay saaxiib noqonnayaan oo isku dan darreenku ka dhigayaa dalalka cadowga ku ah qadiyadda Somaliland iyo heshiiska. Waana ta keentay in muddaharaadku noqdo wax ka yar 300 oo qof, iyada oo UK ay ku nool yihiin in ka badan 150,000 oo reer Somaliland ah ka dib markii ay haldoorkii umaddu ka gaabsadeen talada aan sida wanaagsan loo ruugin ee fool la oradka noqotay. Dhanka kale muddaharaadka waxa gadaal ka riixayey xisbiga Waddani. Halka labada xisbi ee kale ay intoodii diiddaneyd oo aan ka mid ahaa uga joogsatay qadiyadda ku xeeran oo ah mid dhaawac qarannimo ku keeni karta dawladnimada Somaliland ee jidka dheer loo soo maray.

Su’aal kale ayaa waxa ay iyana leedahay yey ku midaysnaayeen darreenkaa ma shacabka Somaliland mise cid kale? Sida jawaabta hore bayaamineyso intii muddaharaadka wadday waxa ay isku darreen noqonnayaan inta cadowga ku ah dalka. Waxa se cad in ficilkoodu aannu ahayn u kas ee uu yahay ilduuf waayo-aragnimo la’aanneed. Su’aallahan waa kuwa aaney hore isku waydiin cid wal oo diyaarisay muddaharaadka. Inkasta oo dhammaan ururradii UK iyo cid wal oo magac weyn leh oo ka shaqaysa dannaha Somaliland aaney ka mid ahayn muddaharaadka. Haddana waxa muuqatay in wax aad u weyni ka qaldanaayeen barnaamijkan oo u muuqday mid caadifad iyo cadho dabada ka waddo, laakiin aan marnaba caqli iyo talo badan weheshaneyn.

Si kastaba ha noqoto e. muddaharaadkani ma noqon doono mid joojiya saldhiga, waxa se uu noqon doonaa mid nacaseeya qadiyadda umadda isaga oo taageero weyn u noqonnaya dawladdaha siyaasadda Somaliland ku cadowga ah iyo cidda ugu weyn ee siyaasad ahaan ay Somaliland isku hayaan. Talo ahaan waxa aan soo jeedin lahaa in reer Somaliland aad u midoobaan dhanka qadiyadda arrimaha dibedda. Marka ay noqoto saldhigga aan wali heshiiskiisu dhicin ee nuxurkiisa lagu ansixiyey golayaasha qaranka sida ay xukuumaddu ku andacooneyso in aad loo daba socdo oo lagu ilaaliyo xukuumadda in waxa la ansixiyey wax ka beddelan aaney heshiis ahaan u soo galin.

Arrintaa oo si weyn golayaal, shacab, asxaab iyo haldoorka umaddu meel uu joogaba si weyn uga hawl galaa ayaa ka mudan in laga daba onkoddo arrin shacabku hore uga seexday oo laga hawl yareystay, xataa in si fiican loo fahmo. Yaaney qadiyadda qarannimada iyo qorshaha diidmada ahi iskaga keen qaldamin. Ha na la ogaado in dawlad xumi dawlad la’aan dhaanto.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews