qodaalnews.com
Wadani Gabiley Wey U DHamaatey Hadduu Xildhibaan Iid Xasan DHeere Ka Soo Horjeesto.
April 22, 2017 - Written by Admin

Wadani  Gabiley  Wey  U  DHamaatey  Hadduu  Xildhibaan  Iid  Xasan  DHeere  Ka  Soo  Horjeesto.

 

Khabiirka  da,da  yar  Ee  leh  khibrada  iyo  waayo-aragnimada  Siyaasadeed  Ilaa  Soo  Taxnayd  ururkii  Hormuud  ee  cumar  carte  qaalib,  Ayaa  ah  waayeel  siyaasadeed  oo  bisil  min  sal  ilaa  baar  waa  Mudane  xildhibaan  Iid  Xasan  Cabdi (Iid  Xasan-dheere),  oo  aad  uga  caan  ah  fagaaraha  siyaasada  ama  saaxadan  taniyo  isagoo  bar-baar  ahaaba  ka  dhex  muuqdey  kana  mid  ahaa  mus-danbeedkii  dhalinyarada  xisbigii  muga  weynaa  ee  udub.

 

Xildhibaan  Iid  Xasan  Cabdi  waa  shakhsi  bulshadiisa  ku  dhex  jira  oo  ka  war-haya  had  iyo  jeer  arimahooda  isla  markaana  umada  u  shaqeeya  habsami  ugu  adeega,  cadceedii  soo  baxadaba  waxaad  arkaysaa  isagoo  qof  ku  soo  cawdey  u  gar-gaaraya  oo  garab-galaya,   Isla  markaana  heegan  ugu  jira  wixii  carqaladaynaya  umadiisa  inuu  ka  hor  tago  inta  badana  waxa  uu  caan  ku  yahay  inuu  bulshada  xaalkeeda  u  kuur-galo  halkaa  dawri  aan  looga  soo  dhaceyn  dhinacba.

 

Mudane  xildhibaan  iid  xasan  cabdi  waa  halyey  sooyaal  muuqada  ku  dhex  leh  gudaha  magaalada  gabiley  waa  xildhibaanka  kaliyaatee  kasbaday  quluubta  iyo  caarifada  shacab-weynaha  reer  gabiley  oo  yar  iyo  weynba  ku  tasbiixsanaya,  Xildhibaanku  wuxuu  haybad  u  leeyahay  inuu  ka  shaqeysiiyo  Xisbiga  Wadani  hadii  uu  isagu  wato  halka  uu  xisbigu  fashilmayo  hadduu  ka  hor-yimaado  waayo  waa  baaga  kaliyaatee  dhaqaajin  kara  ama  dhulka  la  goyn  karaya  xisbigaa  wadani,  Haatana  la  wada  og yahay  inuu  isagu  magaalada  xisbiga  ka  madnuucey.

 

Waxoogaa  Taariikhda  Siyaaseed  Ee  Xildhibaan  Iid  Xasan  Cabdi:-

 

Xildhibaan  waa  siyaasiyiintii  faca-weynaa  ee  dawladii  Udub  u  matali  jirey  Kaadirnimada  magaalada  gabiley,  waa  xulayaashii  golahii  hore  ee  degaanka  oo  ka  mid  ahaa  waqtigaa  siyaasiyiinta  ay  araahdoodu  shaqaynaysey  ee  cad  uga  dhex  muuqdey  shashaada  xisbiga  udub.

 

Run  ahaantii  waxa  uu  ka  dhaxley  khibrad  siyaasadeed  iyo  waayo-aragnimo  balaadhan  taasi  oo  ka  muuqata  maanta  mustaqbalka  siyaasadiisa  maadama  uu  ku  guuleystey  in  isagoo  xisbiga  wadani  ka  soo  baxey  uu  hadana  ka  hor-yimaado,  Waa  mucaaqil  ku  talax  tagay  arimaha  faqa  iyo  foojignaanta  marba  halka  uu  wata  waxaanu  isku  dayaa  inuu  magaalada  mar  kasta  ka  dhaadhiciyo  afkaartiisa.

 

Siyaasigan  taariikhda  dheer  ku  soo  jirey  saaxada  siyaasada  waliba  ahaa  dhalinyaradii  ugu  fir-fircoonayd  ayaa ah  mid  in  badan  kulaalayey  saraakiishii  wadankan  dhidibada  u  taagtey  isla  markaana  hantiyey  khibradoodii  oo  wax  ku  kala  dabara,  waxa uu  saaxiib  dhaw  la  ahaa  madaxweynihii  hore  Ee Somaliland  Mudane  daahir  riyaale  kaahin,  wasiir  cali  waran-cade,  wasiirkii  hore  daakhliga  C/laahi  Ismaaciil  (Cirro),  Wasiir  cawil,  Wasiir  Siciid  Sulub,  dhamaan  dawladaasi  mukharadeedii  ayey  saaxiibo  ahaayeen  waxaanu  ka  dhaxley  khibrad  iyo  nidaam  uu  wax  ku  kala  dabari  karro  oo  daaqsin  geel  ka  il-duufa.

 

Dhinac  waa  xog-hayihii  xisbiga  udub  ee  gobalka  gabiley  iyo  waliba  gudoomiyihii  waxaanu  jagooyinkan  ku  hantey  fr-fircooni  iyo  shacbiyad  wanaag  uu  leeyahay  mr.iid,  isagoo  safka  hore  kaga  jira  dhalinyarada  siyaasada  dalka  la  kawsatey  madaxweynihii  qarniga  mudane  maxamed  xaaji  ibraahin  cigaal  ilaa  haatan  waa  lagu  qadariyo  ama  loo  daba  fadhiisto  arimaha  siyaasada  caamka  ah,  Intan  xukuumada  kulmiye  wuxuu  xil  ka  qabtey  laba  sanadood  oo  uu  ahaa  Isu-duwaha  (Quality  Controlka)  ee  gabiley.

 

Cabsida  Wadani  Ka  Qabbo  Ka  Imaatinka  Xildhibaan  Iid  Xasan  Cabdi  Cali:-

 

Xildhibaan  iid  waa  geesiga  sababay  inuu  wadani  magaalada  gabiley  fooda  soo  galin  waayo  isagaa  ka  hor  yimidey  oo  awal  suura-galin  jirey  ama  fududeyn  jirey  hawlaha  xisbiga  wadani  ee  gudaha  magaalada  gabiley  waxa  inta  lagu  xaman  jirey  inuu  isagu  imaatinkooda  iyo  xafladahooda  tunka  ku  qaadi  jirey ,  isagoo  dawlada  xasaanidiisa  ku  muquuninaya  balse  nasiib  xumo  isagaa  imika  ka  hor  yimidey  oo  kala  kiciya  hawlahooda.

 

Kaadiriinta  xisbiga  wadani  ee  heer  qaran  gaar  ahaan  kuwa  gabiley  waxay  ka  seexan  kari  waayeen  dadaalada  xildhibaan  iid  u  galey  soo  gabagabeynta  arimaha  wadani  iyo  waxyaabaha  la  xidhiidha,  mana  aha  nin  ka  soo  jeesta  halka  uu  weysada  u  biyeysto,  sidaa  awgeed  farta  ayey  wadanaha  ku  hayaan  hadey  tahay  Xamse  KHayre,  Bashiir  tukaale,  Muuse  Suweyn,  Daa,uud  Foodcade,  dhamaantood  waxay  ka  baqanayaan  inuu  xildhibaan  iid  ka  hor  yimaado  maadama  ay  awoodiisa  iyo  wax  u  suura-galintiisa  ay  si  fiican  u  garanayaan.

 

Isku  soo  wada  duuboo  xisbigii  wadani  ahaa  waxa  uu  gabiley  kaga  cagey  libaaxaa  xildhibaan  iid  ee  ka  dhex  toosey  mabda,oodiina  iskaga  talaabey  libaaxan  oo  suura-galiyey  in  rag  badani  ku  soo  dhici  waayaan  magaaladii gabiley,  isaga  ayaa  la  socda  had  iyo  goor na  u  foojigan  cida  umada  waxaan  saxada  aheyn  u  wada.

 

Walibaahi  Tawfiiq

 

La  Soco  Qaybo  Danbe ……………………………………….​

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews