qodaalnews.com
Xusuusta Siciid Maxamed Daahir (WQ: Mustafe Maxamed Khayre)
March 6, 2017 - Written by Admin

Gelinkii hore ee 21-kii October 2000 waxaan ka qayb-galay fasalkaygii koowaad ee Jaamacadda Cammuud, kaas oo ku qabsoomay hoolka dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar, Boorama. Waxa ka soo xaadiray 122 arday oo ka soo gudbay dugsiyada Sheekh Cali Jawhar (Boorama), Al-Aqsa (Borama), Timacadde (Gabiley) iyo Faarax Oomaar (Hargeysa). Maalintii ka horaysay oo Jimce ahayd ayaanu Boorama gaadhnay.

Mustafe-Khayre-photo

Maamulka Jaamacaddu intayadii reer Hargeysa oo ka koobnayn 12 xubnood waxay boodhin ahaan noo dejiyeen guri ku yaalla xaafadda Shacabka. Isla maalintaa habeenimadeedii waxa si xoog ah albaabka noogu soo garaacay laba dhallinyaro ah. Markii aan ka furnay waxay nagu yidhaahdeen “Maad yaabteen…Ha yaabina waa ardaydii aad saaka isku fasalka noqoteene…” Waanu qosolnay kuna faraxnay booqashadooda. Daaradda gudaha ayaanu kuraas dhiganay halkaas oo aanu ku cawaynaynay ilaa saqdii dhexe. Waxay sheekadu isugu kaayo duba dhacday sidii niman meel ku soo wada koray.

Waxay ahaayeen laba qof oo leh farxad dabiici ah, kaftan-yaqaan ah, xirfadna u leh is-dhex-galka bulshada. Dhinacyada qaar marka aad ka eegto way isku ekaayeen. Labaduba waxay ahaayeen caato dherer xigta oo timo jilicsan waxayse ku kala duwanaayeen dhinaca midabka. Cabdirisaaq Suge Taraar wuxu ahaa maarriin madow xiga halka Siciid Maxamed Daahir (Alle ha u naxariistee) ka ahaa casaan caddaan xiga.

Laga soo bilaabo maalintaas ilaa maalintii ugu dambaysay noloshiisa Siciid waxaanu lahayn saaxiibnimo isku beddeshay walaalnimo. Waxaanu kala guursanay laba hablood oo iyaguna saaxiib ah, isku fasal ahaa, iskuna shaqo ahaa- Ilhaam Sheekh Muuse Axmed iyo Marwo Axmed Siciid oo ah xaaska marxuumka. Sidoo kale waxaanu isku xidhanay reer Maxamed Daahir oo dhan.

Sannadkii labaad ee Jaamacadda Siciid wuxu nooga baydhay barashada cilmiga dhakhtarnimada. Wuxu ii sheegay in uu jecel yahay maamulka iyo maaraynta laakiin uu tixgeliyey talo ka timid dhinaca waalidka. Sannadkii saddexaad wuxu gaadhay go’aan adag, wuxuna dib ugu soo laabtay Kulliyadda Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga. In kastoo uu sannad naga maqnaa, waxa la yaab leh in uu ka mid noqday saddexdii arday ee noogu dhibcaha sarreeyey markii aanu qalinjabinaynay (haddiiba aanu ahayn labadii arday ee ugu sarreeyey).

Astaantii dadnimada

Maanta oo kale, 5tii March 2016, wax yar ka dib salaaddii casar aniga iyo Abwaan Yuusuf-Shaacir oo ka wada shaahaynayna makhaayadda Haala Sweets ayuu ila soo hadlay Axmedyaasiin Muxumed-Cadde, wuxuuna igu war geliyey geerida Siciid. Markiiba waxan garaacay Cumar Cali Cabdillaahi (Cumar-Dheere) oo ay Siciid saaxiibbo mataano ah ahaayeen, wuxuna ii sheegay in uu la joogo maydkii marxuumka. Naxdin weynaydaa!

Waxan ka fikiray ereyo ku habboon oo aan ku sifeeyo shakhsiyaddii dahabka ahayd. Waan soo saari kari waayey. Kadibna waxan Facebook-ga ku qoray tacsi guud oo ah “Geeridu waa xaq wayse kala qadhaadhahay. Alle ha u naxariisto Siciid Maxamed Daahir.” Subaxnimadii dambe ayaan arkay maqaal baroor-diiq ah oo uu qoray suxufi Barkhad Maxamed Kaariye cinwaana uga dhigay “Siciid Maxamed Daahir: Astaantii Dadnimada.” Wuxu helay ereyadii aan heli kari waayey. Maqaalkii Barkhad waxan ku hoos qoray “Allaa ilehe Siciid astaantii dadnimada ayuu ahaa.”

Marxuumku wuxu lahaa astaamo badan oo aan badanaa dadka isku raacin. Wuxu ahaa qof dhawrsoon, cibaado badan, dad-la-dhaqan leh, karti badan, mufakir ah, ka-qosliye ah, lehna aqoon durugsan oo maadi iyo diinba ah. Wuxu ahaa qof ay dadku ku hirtaan meesha uu joogo. Ma garanayo kulan aanu wada qaadanay Siciid oo aan ka tagay aniga oo aan faraxsanayn.

Geesi aan dhimashada ka baqan

Dhawr bilood ka hor geerida Marxuumka, waxa gurigiisa qado noogu sameeyey Liibaan Maxamuud Ciise (Timojilic). Waxaanu ahayn aniga, Siciid, Liibaan, Cabdikariim Xuseen Caateeye iyo Cabdirisaaq Suge Taraar oo fasax kaga soo noqday Netherlands. Markii aanu qadaynay kadib ayuu Liibaan noo sheegay in telefoonkiisa Samsung-ka ahi leeyahay aalad cabbirta garaaca wadnaha. Sheekadii way nala durugtay waxaanay nala gashay xaaladda caafimaad ee Siciid oo muddo dheer qabay wadne-xanuun.

Horraantii 2008-dii, Siciid oo waxbarasho sare u jooga Nayroobi ayaa tagay cusbitaal si uu baadhitaan caafimaad oo guud isugu sameeyo. Dhakhtarkii oo naxsan ayaa Siciid u sheegay in uu leeyahay wadne-xanuun halis ah, uuna sii noolaanayo laba sanno oo kali ah. Siciid wuxu noo sheegay in uu dhakhtarkii ugu jawaabay “Ilaahay oo kali ah ayaa og qof waliba goorta uu dhimanayo, isaga ayaana haya nolosha iyo geerida.” Wakhtigaa Siciid wuxu lahaa ilmo yar oo kali ah, wuxuuna geeriyooday siddeed sanno kadib isaga oo leh 5 carruur ah. Wixii hanti ah ee ay xaaskiisa iyo ubadkiisu ka dhaxleen wuxu tabcaday intii uu xanuunka qabay.

Maalintaa Siciid wuxu nagu yidhi “Anigu dhimashada kama baqo, waayo waa wax qof kasta oo innaga mid ah sugaya. Maalin walbana waxan arkaa dad si kale u dhintay.” Wuxu lahaa calool-adayg iyo adkaysi la yaab leh. Aad bay u yarayd in uu shaqada xanuun uga baaqdo. Amintii uu geeriyooday wuxu ku jiray shir, isaga ayaana hadalka watay. Maalintii ku xigtay ee aanu iilka dhignay tigidhka ayaa u go’naa, qorshihiisuna wuxu ahaa in uu Baxardaar kaga qayb-galo shir caalami ah. Tii Alle ayaa ka soo horraysay!

Han iyo himilo fog

Qof kasta oo aqoon dhaw u lahaa Siciid, wuxu xasuusan karaa in uu ahaa qof leh himilo bulsho oo durusgsan. Wuxu mar walba hadal hayn jiray cilladaha bulshadeena ka dhex jira iyo sidii loo dawayn lahaa, gaar ahaan qabyaaladda, musuqmaasuqa, maamul-xumada, akhris la’aanta, qoraal la’aanta iyo tayo-xumada waax kasta oo nolosheena ah ka jirta. Wuxuu ku han weynaa in uu mar ahaan siyaasadda meel sare ka gaadho si uu awood ugu yeesho in uu dhalliilahaa u muuqday wax uga qabto. Wuxu jeclaa shaqada uu hayaa in ay noqoto mid isaga iyo umaddaba wax ugu filan. Intii hore Jaamacadda Cammuud ayuu macallin ka ahaa muddooyinkii dambena wuxu maamuli jiray hay’ad samo-fal ah oo uu isagu aasaasay, wuxuna xubin ka ahaa Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare.

Sidoo kale, Siciid wuxu jeclaa qoraalka, sidaas daraadeed wuxu ku hamiyayey in uu buugaag door ah ka tago, wakhtiguse kuma simin marka laga reebo maqaallo kooban oo uu warbaahinta ku faafin jiray kuwaas oo internet-ka laga heli karo, gaar ahaan mareegta Bandhige.

Allahayow u naxariiso Siciid Maxamed Daahir oo jannooyinkaaga ugu deeq. Waxaanu markhaati ka nahay in uu ahaa addoon wanaagsan!

Mustafe M. Khayre

mustafekhaire@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews